Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo xilka la wareegay

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre , ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cilmi Maxamed Nuur iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinkii uu qabtay wasiirkii hore ee Maaliyadda, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha dayn cafinta. isagoo u rajeeyey wasiirka xilka la wareegay in uu si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeeggo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamse ayaa tilmaamay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda in uu yahay shaqsi aqoon u leh arrimaha maaliyadda, wasaaraddiisuna ay tahay ishii ay eeganayeen hay’adaha kale ee dowladda.