Wasiirka Beyle ma wasiir Soomaali u adeegaa mise mid u adeega IMF iyo Bangiga Adduunka (Dhageyso)

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxman Beyle oo VOA siiyay wareysi ayaa sheegay inuu lacagtii Sacuudiga loo isticmaalay hadba Bahida loo qabay. Wasiirka wuxuu dadka dareensiiyey inaan dalka laga isticmaalin miisaaniyad sanadeedka oo lacaga dalka soo gasho aan la marsiin ku taligalka miisaaniyadda.

Ma sidaas ayey IMF iyo hayadaha deeqaha ku ammaanayaan. Haddii aad dhageysato hadalkiisa waxaa kuu soo baxaya inuu Wasiirka sidoo doono u isticmaali karo lacagta Saacuudiga oo ka fog habraaca iyo hufnaanta maaliyadeed.
Wareysiga keddib waxaa shacabka u caddaatay inuu Wasiirka Baal marayey hannaanka maamulka miisaaniyadda. Wasiirka wuxuu kaloo been ka sheegay inay ahayd marki ugu horreysay oo Sacuudiga loo gudbiyey warbixinta Sidii loo maamulay kaalmadaas Taasoo been cad ah.

Sacuudiga waxay 30 malyan sannadkii 2015 ku deeqeen dawladdii hore bishii Juun. Isla bishii November isla samnadkaas ayaa warbixinta loo diray ayna aqbaleen. Wasiirka ha ku noqdo galka sannadkii 2015 ee Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka wuxuu sidoo kale lumiyay fursad kale oo uu kaga jawaabi karay sida iyo cidda isticmaashay lacagta $50 milyan ah ee ay Sucuudiga ugu deeqeen dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale uu sheegay wasiirka in uu reportiyo ku saabsan maaliyadda Soomaaliya uu u diray hay’adaha caalamka, waxaase dad badan is weydiinayaan maxaa loola wadaagi waayay macluumaadkaas guddiga Maaliyadda Baarlabaanka JFS iyo shacabka Soomaaliyeed.

Halka hoose ka eeg warqaddii uu u diray Beesha Caalamka

[su_audio url=”https://h7n6z6b4.stackpathcdn.com/wp-content/uploads/2018/11/Beyle.mp3″]