Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay Ciidamada ay Dowladda Federaalka ka dejisay magaalada Beledwayne oo ay xiisad ka taagan tahay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in aan lagala tashan ciidamada la geeyay Beledwayne, isaga oo ugu baaqay in ay dib xiryahooda ugu laabtaan.
“Ciidamada Baladwayne la geeyey ma ahan arrin la isla og yahay, Ra’iisul wasaaruhuna laguma soo war galin ee Ciidanka xeryahooda dib ha ugu soo laabtaan” ayuu Gen Mukhtaar.
Wasiirkii hore Waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Ra’iisul wasaarah Xukumadda, Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay in uu tillaabo ka qaado Ciidamada la geeyay Baladwayne.
“Mas’uuliyadda u wayn waxay saarantahay Ra’iisul wasaaraha, waxaana uu sharciyay in ciidamada siyaasadda aysan ku milmin, hadda waxaa muuqata in Ciidamada Siyaasadda ku jiraan, waxaan ugu baaqeena in uu arrintaasi tillaabo ka qaado” ayuu yiri Goodax.