Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wada eedeeymo ka dhan ah RW Rooble.

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal la yeeshay ergayga cusub ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, ahna kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Toddobaadkii hore, Maraykanku ayaa ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabooyin ka dhan ah wuxuu ugu yeeray qaswadayaasha Soomaaliya haddii doorashada wakhtigeeda lagu qaban waayo.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali iyo ergayga Geeska Afrika, David Satterfield, waxa ay ka wada hadleen arrimaha labada dal iyo kuwa gobolka, waxaana ay labada dhinac is dhaafsadeen arrimihii ugu dambeeyay.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa uu uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada hagar la’aanta ah ee ay ka geysanayaan nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay sii socoshada,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka maalmahii u danbeeyay waday wadahadalo uu ku raadinaayo taageerada Villa Somalia isagoo dhanka kale u soo jeedinayay RW Rooble in uu ku jiro falal musuq maasuq ah isla markaana uu ku eedeyanayay in Doorashada aanay u ahayn muhiim.

Hase yeeshee Dowladda Mareykanka ayaa taageersan dadaalka Rooble uu ku doonayo in lagu qabto doorasho deg deg ah, waxayna ka codsadeen madaxweyne Farmaajo inuu ku garab istaago sida ay uga go’an tahay Ra’iisul Wasaaraha in la qabto doorasho loo dhan yahay.