Wasiirka Arrimaha Dibadda oo dacwo ka gudbiyay R.w Kheeyre Iyo Wasiir Jamaal??

Reading Time: < 1 minute

Sida aan Wararka ku heleeyno  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka ashtakoonaya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya uu ka codsaday beeshiisa inay soo fara galiso Bahdilaada lagu hayo.

Kulan xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ay isku beel yihiin Wasiirka waxay kaga hadleen bahdilaada iyo xaqiraada uu ku hayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shaqadii uu isaga lagaa ku wareejiyay Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaal.

Mudane Jamaal waxay saaxiibo dhow yihiin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya waxayna taas sababtay inuu saameyn ku yeesho siyaasadda Xukuumadda Kheyre.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo hada ku sugan dalka Itoobiya ayaa dhowr safar ka reebay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxaana arintaasi ay shaqadiisa cuuryaamisay Wasiirka.

Xubnahan Muqdisho ku kulmay ayaa isku raacay in Guddi ay iska dhex magacaabeen inay la kulmaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya si arintan loo xaliyo oo Wasiirka iyo Kheyre wada shaqeyn wanaagsan u yeeshaan.

Xiisadan ayaa soo if baxday safarkii Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Dalka Qatar oo Wasiirka arrimaha Dibada isagoo isa soo diyaariyay looga tagay Garoonka Aadan Cadde waxaana si saxda Hab maamuus ahaan shaqadaas iska leh Wasiirka Arrimaha Dibadda sida caadada ah Safarada rasmiga Madaxweynaha uu ku tago dalalka dibadda ku wehliya ama uga sii hormara Madaxweynaha dalka uu u socdo.