Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise hir jaraa’id kana warbixiyo kiiska BADDA (Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay MOL u xaqiijiyay in 24 saac ee soo socda uu qaban doono shir jaraa’id wasiirka arrimaha dibadda JFS Axmed Ciise Cawad.

Shirka jaraa’id oo shalay 2 duhurnimo loo ballansanaa ayaa baaqday sababo aan la shaacinin. Wasaaradda Arrimaha Dibadda aya waxaa ka dhex jira isqabqabsi ka dhashay kiiska Badda Soomaaliya, taasoo keentay kaddib markii uu MW Farmaajo u xilsaartay rag ay isku jufo yihiin in ay gorgortan la galaan dowladda Kenya si loosoo afjaro xiriirka sii xumaanay ee u dhexeeya Soomaaliya & Kenya.

Arrintan ayaanan laga wargelin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Somalia u fadhiya dalka Kenya sida ay MOL hore idiinku soo tebisay.

Ilo wareedyada aya sheegaya in Wasiir Axmed Ciise uu ka warbixin doono arrimaha kiiska badda isagoo siin doona saxaafadda meesha ay wax marayaan isla markaana raba in aan lala xiriirin heshiiska uu rabo Farmaajo in uu lagalo dowladda Kenya taasoo Wasiir Axmed Ciise uu aad uga soo horjeedo sida aan xogta ku helnay.

Waxaa kale oo suurta gal ah in Wasiirka marka uu la hadlo saxaafadda kaddib uu shirka jar’aaid uu isku casilo.