Wasiirka Arrimaha Dibada oo Waji-Gabax kala soo Kulmay Shirkii New-york iyadoo Kuraasta loo Baneeyay!!

Reading Time: < 1 minute

Shirkii ka dhacayay magaalada New York ayaa waxaa fadeexad oo xoogan kala soo kulmay wasiirka arrimaha dibada soomaaliya axmed cawad ciise kadib markii uu soo hadal qaaday in soomaaliya ay rabto in laga qaado xayiraada saran taaasoo keentay in masuuliyiintii matalayay dalalka caalamka ay isaga soobaxaan shirka oo kaliya goobta waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan qaramada midobay oo qura taasina waxa ay tahay fashilka heeysta dowladda farmaajo.

Dowladda soomaaliya ayaa tan iyo markii ay hogaaminteeda ay majaraha u qabteen nabar iyo naxdin farmaajo iyo kheyre ayaa waxaa muuqaneysay habacsanaan xoogan oo ku timid magaca iyo maqaamkii ay leheed dowladda soomaaliyeed

Sikastaba ha ahaatee arrintan ayaa laga yaaba in ay dowladda soomaaliya ay ku weyso xiriirka dalal badan oo caalamka katirsan taasi oo niyad jab xoogan ku noqoneysa horu socodka shacabka soomaaliyeed