Wasiirka Amniga oo mowqifkiisa caddeeyay kaddib naqdin uu kala kulmay Baraha Bulshada

Reading Time: 2 minutes

Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si adag uga horyimid qoraalkii kasoo baxay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, kaasi oo uu ku sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku guuldareystay gudashada waajibaadkii loo igmaday.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo jeediyay si looga hortago qalaalase siyaasadeed iyo mid amni oo dalka ka dhaca in hanaanka doorashada iyo hogaaminteeda loo daayo Ra’iiusl Wasaare Rooble oo kal hore loo igmaday.

“Si loo helo xalka kaliya ee macquulka ah waa in la xaqiijiyo in dalka ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo, loo wada dhan yahay iyo hanaanka xalaal ah oo uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaaraha sida loo igmaday,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu riyo maalmeed ku tilmaamay isku day kasta oo muddo kordhin cusub lagu sameynayo ama doorashada lagu qal-qal gelinayo, taasi oo qorshaheeda uu wado madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Hadalkan ayaa imanaya maalin kadib markii uu Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur uu qaaday tallaabo shaki gelisay mowqifkiisa siyaasadeed, kadib markii uu Farmaajo ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” oo muddo uu inkirsanaa.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kahor inta aan wasiirka amniga loo magacaabin, ee uu socday loolankii u dhaxeeyey Farmaajo iyo mucaaradkii Badbaado Qaran, wuxuu Farmaajo ugu yeeri jiray “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.”

Cabdullaahi ayaa xitaa kasii fogaa xubnaha kale ee mucaaradka oo Farmaajo ugu yeera madaxweynaha muddo xileedksiiu dhammaaday, isaga oo si cad u sheegi jiray inuu si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia. Wuxuu sidoo kale ugu yeeray “hoggaamiye kooxeed kaligii taliye ah.”

Hase yeeshee munaasabad shalay ka dhacday Muqdisho, oo loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 78-aad ee aas-aaska ciidamada booliska Soomaaliya, ayuu Cabdullaahi Maxamed Nuur ayada oo ay daawanayaan boqoaal qof, wuxuu Farmaajo ugu wacay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.”

Tallabaada uu shalay qaaday ayaa u muuqata inay tahay qalad uu ku dhacay oo ku tala-gal aheyn ama ujeedo kale kalaha, ayada oo hadalka maanta uu banaanka usoo saarayo in wax isbedel ah ku iman mowqifkiisi siyaasadeed.

Hadalka shalay ayaa niyad jabiyey dad badan oo taageersanaa wasiirka ama ka mid ah mucaaradka Farmaajo, kuwaas oo aad ugu dhaleeceeyey baraha bulshada.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!