Wasiirka Amniga oo ka dhawaajiyay in xariy xabsiga godka Jilicoow

Reading Time: < 1 minute

Wasiirada Amniga iyo Cadaalada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Abuukaate  Xasan Xuseen Xaaji oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in Albaabada loo laabay Xabsiga Godka Jilacoow.

Waxa ay sheegeen in sababaha loo xiray ay tahay kadib cabasho ka timid Shacbaka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha xaquuqul Insaanka,taas oo ku aadan in Xabsiga uu ahaa goob dadka lagu dhibaateyn jiray.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Xabsiga Godka Jilacoow loo bedelay Magaca Xarunta Tababarada Ciidanka NISA ee Godka jilacoow,isla markaana Ciidamada NISA lagu tababari doono.

Xabsiga Godka Jilicow waxaa loogu magac daray Gen:Axmed Jilicow Cadow,oo ahaa Taliyihii Nabad sugida ee xiligii Kacaanka,Sida ka muuqata Magaca Xabsiga waxa uu ka qodanyahay dhulka hoostiisa waxaana sanadihii ugu dambeeyay uu ahaa mid ka mid ah Xabsiyada ugu weyn ee dalka marka laga tago Xabsiga dhexe.

Allaha u naxariistee Gen: Axmed Jilicow Cadow ayaa lagu dilay Magaalada Muqdisho Sanadkii 2007.