Wasiirka Amniga Jubbaland, Dhuumaal oo ku eedeey Itoobiya dilkii taliye Kooke

Reading Time: < 1 minute

Taliyiha ayaa lagu dilay qarax miino, xilli uu ku socdaalayay inta u dhaxeysa Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo. Wasiirka Amniga Jubbaland, Dhuumaal, ayaa sheegay in dilka Kooke uu ku xeeran yahay tuhun, iyadoo uu intaasi ku daray “in dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin”.

Dhuumaal ayaa sheegay in ay jireen siyaasiyiin kasoo horjeeday sarkaalka la dilay, kuwaasoo uu ku jiro Gudoomiyaha Gedo oo dhawaan Itoobiya heshisi dhex-dhigtay labada dhianc. Runtii, waxaan aaminsanahay inay jirtay arrin la maleegay, oo ninkan lagu daba jiray muddo dheer,” ayuu raaciyay.

Jimcihii, Agaasimaha (NISA), Mahad Salaad ayaa u magacaabay Jen Jamaal Xasan Sarey oo ka tirsanaa Taliska Ciidanka Militariga, in uu noqdo Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo.

Waxay ku soo aadeysaa xilli xiisad cusub ay ka taagan tahay Gedo kadib markii ay ku dhawaaqeen siyaasiyiin mucaarad ah ay sameynayaan Ciidan cusub oo iska caabin ah oo kasoo horjeeda kuwa dowladda.

Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Janan iyo Jen Fartaaq, Madaxweyne ku-xigeenkii maamulka Axmed Madoobe oo hadda Senator ah ayaa ku sugan gobolka, iyagoo wada dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Villa Somalia.