Wasiirka AD Kenya oo Muqdisho soo gaartay

Reading Time: < 1 minute

RW Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo. Kulankaan ayaa yimid iyada oo MW Farmaajo uu ka digay in aan heshiis lala gali karin dalka Kenya.

waxaa la sheegyaa  in labada ay kawada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Dhanka kale, xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!