Wasiire Cawad sidee uga hadlay Gefkii Labaad ee Ethiopia (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay murankii maalmihii lasoo dhaafay ka dhashay tilaabooyin xad gudub ku ah dowladda Soomaaliya oo ay qaaday Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Itoobiya.

Wasiirka oo  wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay inaysan ka aamusin dhacdadaas ayna u wajaheen qaab diblomaasiyadeed oo sababay in dowladda Itoobiya ay raaligalin ka bixiso sidda ay wax u dhaceen.

“Waxan wuxuu ahaa wax aan micno lahayn oo khalad dhacay ah, Soomaaliya kaliyana ma khuseynin, khariidad qof ku falaaday oo aan sax ahayn bay ahayd, iyaguna markii ay khaladkooda arkeen annaguna aan kala hadalnay ayey ka saareen, cudur daar ayey ka sameeyeen, baaritaanna way sameynayaan” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiir Cawad ayaa hadalkiisa intaasi ku daray.”Annagu Dowlad Soomaaliyeed baan nahay, Itoobiya kama mid nihin. Si rasmi ah ayaan dowladda Itoobiya warqad ugu qornay, wayna noo soo jawaabeen dowlad ahaan ayeyna noogu cudur daarteen. Haddii la rabay inaan baraha bulshada ku shaacinno sidaasi ma aha sida ay dowladaha ku shaqeeyaan, habab diblomaasi ayaan u marnay arrinta”

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya in Itoobiya ay safiirro u joogaan Somaliland iyo Puntland, ayna u aqoonsan tahay labo dal.

“Safiirro ma joogaan Hargeysa iyo Garowe, Somaliya hal dowlad bay leedahay, hal safiir ayaana u jooga Itoobiya, safiirkaasna wuxuu joogaa Xamar, isaga ayaana diblomaasiyadda Itoobiya mas’uul ka ah”, ayuu yiri Wasiir Cawad.