Wasiiradii Rooble oo maanta loo diiday inay ka soo qaybgalaan xuska CXD

Reading Time: < 1 minute

Waxaa hada ka socda Xarunta Wasaaradda Gaashandhiga xuska iyo dabaaldega sanadguuradii ka soo wareegatay aasaaska ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.  Farmaajo oo cabsi ka qabo amnigiisa ayaa waxa uu xaflada ku dhex qabsaday xarunta wasaaradda gaashaandhiga.

Waxa gabi ahaanba laga mamnuucay in ay xafladaas ay ka soo xaadiraan wasiirada saaxibad la ah Ra’iisal Wasaare Rooble. Kuwaas oo maanta ku sugan guryahooda iyaga oo shaashada talaafishinada ka daawanaya dabaaldegada xuska ciidankii ay mas’uuliyadda ka ahaayeen.