Wasiirada Gal-mudug oo fariimo Hanjabaad ah u diray Villa Soomaaliya (Aqriso sababta)

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo dowlada dhexe ee Soomaaliya ay ku howlan tahay qaabkii ay u burburin laheed Maamulka uu Hogaamiyo Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ee Galmudug ayaa waxaa arrimahaasi siyaabo kala duwan uga hadlay golaha wasiirada ee Madaxweyne Xaaf.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Galmudug ‘FALAGLE’ oo qoraal soo dhigtay bartiisa Facebook-ga ayaa waxaa uu ku sheegay in Galmudug ay is rabto hase’yeeshee Dowlada federaalka ay dooneeyso burburinta iyo kala dhantaaladeeda.

Waxaa uu qoraalkiisa oo koobnaa gudbinaayay in aysan rabin fara-gelinta islamarkaana loo madax-banaaneeyo howlahooda caadiga si ay ula mid noqdaan Maamulada kale ee dalka ka jira.

waxaa la aaminsan yahay in Madaxweyne Farmaajo uu rumeeysan yahay in Gal-mudug ay tahay Maamulka Kaliya ee uu dhibaato ka filan karo,asigoo arinkaas ka duulaayo ayuu xooga saarayaa sidii uu u geeyn lahaa qof ”YES MAN ah”