Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Maanta ka hadashay Xariga  Agaasimiha Maamulka iyo Maaliyada ee  Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Maxamuud Maxamed Buule.

Fowsiya Abiikar oo warbaahinta Shir Jaraa’id u qabatay ayaa waxaa ay sheegtay in 4-tii Bishaan la xiray Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Buule, isla markaana xarigiisa aan lagu soo wargelin Wasaaradda.

Waxaa ay sheegtay Wasiirada in ilaa iyo hada aysan ogeyn sababta rasmiga ah ee loo xiray Agaasime Buule, uuna socdo baaritaano kala duwan oo ku aadan waxa keenay in xabsiga la dhigo Agaasimaha.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamtay in baaritaanka xariga Agaasimaha ay la kaashan doonaan Xeer Ilaaliyaha Qaranka Hanti-dhowraha Qaranka Soomaaliya.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Agaasime Maxamuud Maxamed Buule loo xiray sababo la xiriira inuu Musuq-maasuqay lacag loogu talagalay ka hortega faafida Cudurka Coronavirus oo hay’addo Caalami ah ay dowladda Soomaaliya  ugu deeqeen.