Wasiirada Arimaha Dibada Iyo Gudaha Xukumadda Kheeyre oo Villa Soomaaliya Laga Dhex-Baafinaayo!!

Reading Time: 2 minutes

Golaha Wasiiradda Xukumadda  Federaalka ah Ee Soomaaliya inkastoo ay Saaran tahay waajib shaqo oo muhiim ah hadana waxaa la ogsoon yahay in ay kala hal-doorsan yihiin,wasiiradda Arimaha gudaha iyo Arimaha Dibadda waxaa ay yihiin lafdharka Xukumadda Hadba Jira ee shaqeeyneeysa hadii aysan Jirin labadaasi shaqadooda waxaa ay ka dhigan tahay Fashil cad.

Xukumadda R/wasaare Xassan Cali Kheeyre oo ay caado u noqotay kala daadsanaan iyo kala amar qaadansho La’aan ayaa waxaa la garan la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen Labadda Wasiir ee Arimaha Gudaha iyo Arimaha Dibadda kuwaasi oo la tuhmaayo in ay Cusleeysteen shaqadda caajiska ah Ee Xassan Cali Kheeyre.

Howlahii la rabay in uu qabto wasiirka Arimaha Dibadda waxaa hadda si toos ah u haaya Fahad yaasiin iyo Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xassan Waxeeyna taasi muujineeysaa in uusan jirin wasiir arimo Dibadeed oo shaqeeynaayo,waxeeyna ceeb ku tahay dalka.

Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Federaalka Howshii looga baahnaa in uu qabto waxaa la wareegay R/wasaare Xassan Cali Kheeyre oo Jecel in uu Gacan dhaafo Wasiiradda islamarkaana uu galo Howl aan tiisa aheeyn.

  Hadaba waxaa la isweeydiinayaa Maxaa Helay Labadda Wasiir Ee Muhiimka ah ??

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arimaha Dibadda oo Ahaa safiirkii soomaaliya ee Dalka Mareeykanka ayaa la Rumeeysan yahay in Mad-madoow uu soo kala dhex-galay Kheeyre taasna ay Sababtay in uu gaabiyo Shaqadii Wasaaradda waxaana uu mar walba Filanayaa in xilka laga qaado Maadaama wasiirkii ka Horeeyay la Ceeyriyaya Asigoo shaqadiisa Gudanaayo

Cabdi Mohamed Sabriye Wasiirka Wasaraadda Arimaha Gudaha ayaa dhankiisa waxaa uu saluugsan yahay Howsha uu qabanaayo R/wasaare Kheeyre,khilaaf cad oo soo Bilaawday Kolkii Xilka laga qaaday Taabid ayaana wali ka dhaxeeyo.

Waxaa Wax lala yaabo in Wasiiro Gaaraya 9-ay ka maqnaadaan Xukumadda islamarkaana aan lasoo buuxin waxaana dadka Siyaasadda Odoroso ay ku macneeyeen cabsi siyaasadeed.