Wasiir Xamza oo bannaanka soo dhigay musuqa iyo aqoon la’aanta Khadiijo Diiriye

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xamsa Siciid Xamza ayaa ka hadlay xaaladii ay ku sugneyd Wasaaraddii Dhalinyarada iyo Isbooriga markii uu xilka la wareegay aakhirkii bishii Oktoobar 2018.

”Waxaan la wareegay xilka Wasaraadda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyadoo aan lahayn Xafiis aan subixii u shaqo tago, waxaan ugu tagay iyadoo shaqaalaha Wasaarada sanad iyo bar ilaa laba sano fasax isaga jiray mushaarna qaadanayey iyagoo gurigooda jooga” ayuu yiri Wasiir Xamza

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga oo xeritaanka Shirka Wadatashiga siyaasadda Qaran ee dhallinyarada ayaa faallo ka bixiyey shaqada uu ka qabtay Wasaaradda iyo wasaaradii ka horeysay ee Gargaarka oo uu ku wareejiyey Khadiijo Maxamed Diiriye.

“Markaan imid saddex bilood waxay igu qaadatay inaan Wasaaradii inaan isu keeno, xafiis u raadiyo, shaqaalihii soo noqdaan, lagu shaqo bilaabo, waxay noqotay inaan eber ka bilowno.. Hadda wasaaradda waa socod barad, haddana dhisme ayaaba ka socda..” ayuu yiri Wasiir Xamza oo warkiisu ku socday sidii ay wasaaradda u maamuleysay Khadiijo Diiriye

Jawaab ay daqiiqado kadib ka bixisay warka Wasiir Xamza ayey Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Istoortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ku dooday in xarunta Wasaaradda ay dhibaato kasoo gaareen qaraxyo, kadibna shaqaalaha loo fasaxay inay guryahooda ku shaqeeyaan.

“War-Dowladeed warqaduu ku-yaalaa… Wasiir Xamze waxaad ka mid aheyd golihii wasiiradda ee aqbalay fasaxa shaqaallaha wasaaradda ee weydii gudigaaga anshaxa iyo kan gob-shaqo ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XJFS.” ayey tiri Khadiijo Diiriye.

Is-difaaca Wasiir Khadiija ee degdeg ah ayaa bannaanka keenay maamul xumida wasiiradan oo inta badan ka mid ahayd xukumadihii isaga danbeeyay dalka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!