Wasiir Sahra-Kiin oo si adag ugu jawaabtay culumaa’udiinka Puntland

Reading Time: < 1 minute

Wasiir ku xigeenka Haweenka dowladda Puntland, Sahra-kiin Cabdi Xirsi, ayaa si adag ula hadasahdy Culumada Soomaaliyeed, gaar ahaan Culimaa’udiinka Puntland kuwaas oo ay sheegtay in ay ishor-istaag ku sameeyaan Haweenka Soomaaliyeed ee doonaya in ay muujiyaan hankooda Siyaasadeed.

Wasiirada oo caro ka muuqatay ayaa sheegtay in Culimadu aysan ka hadlin Gabdhaha duruufaysan ee Jaadka ku iibiya dariiqyada, islamarkaana dhex fadhiya boqollaalka nin, balse ay Diinta ka hadlaan markii Gabadhu siyaasad ka hadasho.

Gabdhaha daruuftu ku kaliftay inay banaanka jaad ku iibiyaan ntaas oo nin dhexda uga jiraan oo ay dhici karto in ay tacadi kala kulanto culumadu kama hadasho” ayay tiri Wasiirka.

Waxa ay intaas ku dartay “hase yeeshee marka gabadhu tiraahdo talada waan wada leenahaye miiska aan wada fariisano waxaa lagu leeyahay diinta kuuma ogolee gurigaaga fadhi.”

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!