Reading Time: 2 minutes

Wasiir Cusub ee wasaaradda Shaqada ayaa durbaba  bilaabay inuu ku takrifalo awood aanu wali Barlamanka u igmanin balsa si khalad ay u siiyeen Kheyre iyo Farmajo.

Wasiir Sadiq Warfaa oo ka mid ahaa Qaaqlayaasha xukuumadda jagadana ku helay aflagaadadii  iyo dacaayaddii jogtada ahay ee uu u fidin jiray dowladda Kheyre iyo Farmajo ayaa wasiir loo magacaabay,  kadib markii uu ka dhintay Cabdiraxman Xoosh Jibriil . Wasiirkan oo waligii xil macno leh oo dowladeed soo qaban ayaa durababa bilaabay inuu dusha ka saro dhisidda wasaaraddiisa dadka Masaakiinta ah ka shaqeeya. Isagoo yiri waxaan rabaa inaan ku faano inaan anigu dhisay wasaaradda. Wasirkan sooma marin golaha shacbiga mana la siinin awoodda kalsoonida golaha waana dhibaatada dalka haysataa, wuxuuna amray in mushaarka shaqaalaha lagu dhiso wasaaradda ciddii diidana laga eryo shaqada.

Lacagaha Masaakiinta xooga looga qaadayo ayuu wasiirka u kala saartay Afar qayb oo laga kala jari doona shaqaalaha haddii ay diidaanna la eryi doono. Darjada ayaa kala ah shaqaalaha ku shaqeeya Darajada A Waxaa mushaarkooda oo ay u dhibaatoodeen laga jarayaa $100.  Darajada B waxaa xoog looga goynayaa  $50, Darajada C na waxaa uu wasiirka amray in laga jaro $30.  Iyadoo qeybta maamulka wasaaradda laga jarayo qofkiiba lacag dhan $300. Arrintaan waa gef sharciyeed iyo mid islaanimo iyadoo ay soo dhowdahay bishii Ramadaan oo dadku ay isu diyarinayaan.

Bal akhriste qiyas wasiir mushaar ahaan u qaata $10,000 (toban kun) iyadoo ay u dheertay maamulka mashaariicda waxa uu ka xadayo iyo lacagta mushaarka xildhibaannimo ayaa cunaha jaraya qof shaqaale ah oo ka soo lugeeyey waxaracadde, dharkeynley ama Dayniile oo mushaar ahaan u qaatana $100.

Runtii waxyaabahan waa waxa u baahan inay dadku ka kacaan oo masaakiinta u hiilliyaan. War aaway culimadii la lahaa waa kulansan yihiin miyey ka guurtay naxariistii oo iimaankii iyo caqligii ay nogu baaqi jireen ayaa ka tagay markii lagu soo qaaday gawaari aan xabbadu Karin,  lana dejiyey hoteello lagu kireeyey lacagta canshuurta ah ee xoogga looga qaaday miskiinkaas jidadkii ay dowlada ku sheegta dhibkaan waddaa ay ka xertay balsa  soo lugeeya, si uu naftiisa iyo inta kale ee ku xeran uu u quudiyo.

Lacagahaan ayuu ku sheegay Wasiirka  in dib loogu dhisi doono Xarunta Wasaaradda oo ku bur burtay Weerarkii Al-Shabaab ee Sanadkaan. Dad badan oo aan qaadan lacag ku filan ayaa arintaan walaac  xanuun leh ka muujiyay,  yaasa u naxaya oo kala jecel. Maadaama ay soo dhowdahay Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxay ahayd in wax loogu daro.

Gabood falkan dowladda Farmajo iyo Xasan Kheyre waxaa ka dhalaneysa cuqubo dadka oo dhan saameyn doonta haddaan inta ay goori gor tahay la iska qaban.

Golaha shacbiga waxaan ugu baaqeynaa inay wasiirkan u yeeran kana jojiyaan gaboodfalkan xanuunka badan.

Dadkuna ha ku duceystaan ducadaan “ Rabiyow naga dulqaad kuwan aan kaa cabsaneyn noona naxariisaneyn ee  aad nagu salliday”Rabbi waa u naxariistaa kuwa dulman ee Isaga uun baryaya.

W/Q. Xuseen Siciid Maxamed