Wasiir Sacad oo lagu eedeeyay Musuq-maasuq xoogan!

Reading Time: < 1 minute

Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire uu lunsaday Hanti dadweyne.

Xildhibaanada ayaa soo dhaweynaayay qorshaha la dagaalanka  Musuq maasuqa ee waddo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ay sheegeen in uu muhiim yahay qorshaha horumarinta Somaliland.

Waxaa ay sheegeen in ay hayaan Cadeymo ah in uu lacago badan Lunsaday Wasiirka Maaliyadda, islamarkaana Madaxweynaha laga doonaayo in uu la xisaabtamo.

Hadalka Xildhibaanada ayaa yimid ka dib markii dhawaan Dacwad Musuq ah lagu soo oogay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo) Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga .