Wasiir Sacad Cali Shire “Heshiska Berbara waxa uu ahaa mid sax ah, isla markaana uu ahaa heshiis daneed iyo mid saaxibtinimo”

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka jawaabay hadalkii Wasiiru dowlaha Imaaraadka Carabta ee ahaa in aanay aqoonsaneyn Somaliland.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa ku adkeystay in heshiiskii ay la galeen Imaaraadka uu ahaa mid sax ah, isla markaana uu ahaa heshiis daneed iyo mid saaxibtinimo.

“Heshiiska anaga iyo Imaaraadka Carabta waa mid daneed iyo saaxibtinimo aan wada galnay, Soomaaliya waxay la leeyihiin waa mid iyaga u gaar ah oo aan anaga na quseyn”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da
Waxaa uu sheegay in heshiiska Dekeda Berbera uu horay Baarlamaanka Somaliland isagoo tifaftiran la geeyay, lagana akhriyay, lana asnixiyay, wixii intaas ka dambeeyana loo raacayo sharciga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay sax tahay in Imaaraadka aanay aqoonsaneyn Somaliland, isla markaana aanay Safaarad iyo Qunsuliyad ku laheyn sida uu hadalka u dhigay.