Iyada oo ay sii kordhaysa qalalaasaha siyaaseed ee u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladda Goboleedyada ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya soo saartay war saxaafadeed ka hadlaya arrimaha ka jira maamul goboleedyada, gaar ahaan xiisadaha siyaasadeed iyo doorashooyinka ku soo fool leh. Warmurtiyeedkaan oo aad moodo in ay qortay hay’ada ama wadamo kale ayaa u muuqaday mid qiiq isku qaris ah kana tarjumaynin doorka laga doonayo in Waraasadda Arimha Gudaha ka a qaadato xal u helida xiisada dalka ka jirto.
Nuqul ka mid ah war saxaafadeedka oo la soo gaarsiisay ayaa u qornaa sidan:-
War saxaafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedeeraalaynta iyo Dib-u-Heshiisiiinta
Dimoqraadiyaynta iyo Federaalaynta Dalka
- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socotaa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.
Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doono in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.
Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqayaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.
Dhamaad