Wasiir Sabriye oo ka hor yimid ceyrinta qaar ka mida Gudomiyayaasha Degmooyinka G. Banadir

Reading Time: < 1 minute

Duqa magaalada Muqadishu Eng Abdiraxman Yarisow ayaa waxaa u go’aansaday in uu shaqo fariisin ku sameeyo qaar ka mida Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Bandir. Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hor yimid tilaabada uu damcay in uu qaado Duqa Magaalada Muqadishu. Wasiirka ayaa codsaday in warqadda shaqo ka fariisinta ay la socoto qoraal cadaynaya dambiga lagu soo oogay iyo sababaha shaqada looga ceytrinayo gudoomiyayaasha.

Talaabadan uu qaaday Wasiir Sabriye ayaa ah mid sharciga ku tagaan isla markaana muujinayso in aan si qalad ah qof shaqo looga qaadi karin. Talaabada wasiirka qaaday ayaa cashar u tahay dowladda inteeda kale.