Wasiir ka Diinta iyo Awqaafta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Shiikh Mukhtar Robow ayaa si farsameysan uga baaqday ka qaybgalka siyaarada Shiikh Cabdulqadir Jeylaani kaas oo ay soo abaabuleeen culumada Ahlu Sunna Wajameeca.
Xaflada Siyaasaradda ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisal Wasaaraha Doiwlada Federaalka iyo xubno kale oo ka tirsan golahiisa Wasiirada, laakiin waxaa halkaa ka maqnaa Shiikh Mukhtaar Robow. Sida la wada ogsoonyahay Shiikh Robow ayaa dariiqo ahaan ka soo horjeedo xuska Shiikh Cabdulqadir Jeylaani.