Wasiir Qarjjab”Madaxweynahu waa ku Saxsanaa in uu Yiraahdo Baydhabo ayeey ka Yimideen dadka Puntland”

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan sheegay in aysan macquul aheeyn in Dad ka yimid  Deegaanada Koonfur galbeed  dhibaateeynayaan Dhulka Puntland,taasi oo dhalisay dood badan.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa Wasiir qarjab Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uusan ka hadlin Bulshadda kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed,laakiin uu ka hadlay xubnaha Shabaab ka tirsan halka ay rabaan ha kasoo jeeddaan,Waxaa uu xusay in ay tahay wax laga xumaado in dad sheeganaya in ay kaasoo jeeddaan Koonfur Galbeed ay difaacaan Shabaab.

Waxa uu Cabdiweli Cali Gaas yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”

Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn la isula dhexmarayay dood kulul oo ka dhalatay hadal uu jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Cali Gaas.