Wasiir Oomaar oo looga digay in uu tago Kismaanyo iyo safarkisii oo baaqday

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) yaa sheegay  in safar uu ku tegi lahaa Magaladda Kismaayo uu ka baaqaday.

Safarka Oomaar ayaa ahaa in uu Kismaanyo  uga dhawaaqo musharaxnimadiisa Madaxtinimadda Jubbaland. Wasiirka ayaa waxa uu mar hore u sheegay saaxibadiisa in uu ka tanaasulayo musharxanimada Jubbaland maadaama uusan buuxin karin sharuudaha lagu xiray musharaxiinta u tartarmaysa jagada Madaxweynanimada Jubbaland.

Dhanka kale mas’uuliyiinta ka tartirsan dowlada Fedaraalka ayaa laga mamnuucay in ay tagaan deeganka Jubbaland inta ay ka dhamaanayso doorashada Jubbland.  Oomaar oo madaxa carada ka ceshanaya ayaa ku dhawaaqay in uu safarkiisii Kismaanyo u baajiyay si uusan u dhicin iska hor imaan.

Waxa uu yiri: “Safarkii aan kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hormaad u dhaco. Qof isku dayay inuu isoo qaado ma jiro. In kastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokow” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Ciidanka AMISOM iyo beesha caalamka ayaa kula talisay in Wasiir Oomaar uusan tagin Kismaanyo madaama uusan buuxin karin sharuudihii musharaxiinta laga rabay. Gaaar ahaan AMISOM ayaa sheegtay in ayan qaadi karin mas’uuliyadiisa hadii uu halkaas tago. Farmaajo ayaa in mudo ah ku mashquulsanaa sidii uu ugu qanci kahaa AMISOM in ay ilaaliso wasiiradiisa lana wareegto amaanka magalada Kismaanyo laakiin waa laga diiday.