Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay wadahadalada u dhaxeeya Dowlada fedaraalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Wasiir mareeye aya sheegay in asaga uu yahay shaqsi matala shacabka reer Soomaaliland ee raba midnimada Soomaaliya waxana dowlada dhexe uu kaga digay in lagu dhibaateeyo wada hadaladasi maamulka uu matalo sida uu shegay ee soomaaliland.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Dowlada uu ka midka yahay ka dalbaday in laga guulo gaaro wadahadalada u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Soomaaliland, wuxuuna carabka ku dhuftay haddii wadahadalka dhax mari doono Dowlada iyo Soomaaliland ay noqdaan kuwo lagu qiyaanayo Soomaaliland uu isaga tagi doono Dowlada Soomaaliya.