Wasiir Maareeye oo shaqo joojin sameeyay (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo aan weli xilka wareejin ayaa waxaa uu dib shaqada ugu soo celiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga,kaasi oo shaqo joojin uu ku sameeyay.

Wareegto ka soo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye oo ku taariikheysneed 30-ka Bishii April  ayaa waxaa dib loogu howlgeliyay Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga,isla markaana shaqada laga joojiyay 10-kii Bishii February ee 2019,kadib markii loo jeediyay eedemo kala duwan.

Sidoo kale Wareegtada ayaa Cabdikariim Maxamuud Axmed waxaa loogu magacaabay in uu noqdon  Agaasimaha Waaxda Liisamada iyo Diwaangelinta Shirkadaha,halka sidoo kalena Axmed Cali Xasan loo wareejiyay Agaasimaha Waaxda Warshadaha.

Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka ayaa shalay xilkii laga qaaday,waxaana loo magacaabay Wasiirka Warfafinta Xukuumadda,kadib markii uu is Casilay Daahir Maxamuud Geelle.

Hoos ka Akhriso Wareegtada.