Wasiir ku xigeenka caafimaadka ee Somaliland oo iska casilay xilkii uu hayay

Reading Time: < 1 minute

Wasiir ku xigeenka Wasaarada caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri  ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumada Muuse Biixi ka dib xaalad caafimaad oo la soo daristay isla markaana loogu qaaday wadanka Turkiga oo uu haatan ku galayo qaliinkii labaad oo lagu samaynayo.

Wararka ayaa sheegaya in Muuse Biixi uu ka aqbalay warqada iscasilaada ah ee uga timid wasiir ku xigeen Mahdi Cismaan Buuri isaga masuul cusub oo uu soo raacin doono isku shaandhaynta la sugayo ee uu dhawaan xukuumadiisa ku samayn doono.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!