Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in dagaalka ka soconaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool uu yahay mid ay keeneen waqtiga iyo waayuhu.
Wasiir Koore ayaa ku eedeeyay Garaadadu iyo hogaanka SSC inay mas’uul ka yihiin dagaalka Laascaanood, kaas oo ahaa mid laga baaqsan karay hadii caqligu shaqayn lahaa.
Isagoo ka hadlaya kulan uu soo qabanqaabiyay oo ka dhacay Hargeysa, ayuu Wasiir Saleebaan Koore sheegay in uu dareemayay in dagaalka Laascaanood uu dhici karo, marka uu qiimeeyay sida xaaladuhu u socdeen, uuna isku dayay in uu ka hortago.
“Gobalka Sool waxaa ka socota arrin aan runtii ku talagal aheyn ee waqtiga iyo waayuhu keenay, hadduu qof waayo arag yahay iyadoo xaaladu ay qurux badan tahay ayuu garan karaa ama qiimeyn karaa waxa ay ku dambeynays, waan isku dayay in arrintaas si nabad ah looga wada-hadlo waxa lagu kala duwan yahay iyo waxa la kala tabanayo, may dhicin sawirka ay Laascaanood maanta leedahay in uu imanayo waan ogaa” ayuu yiri Wasiir Warfaafinta maamulka Somaliland oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobalka Sool.
Saleebaan Koore ayaa xusay in dhinac kastaa (maamulka Somaliland & dadka SSC-KHAATUMO), ay dhibaato laga maarmi karay haddii la wada hadlo kasoo gaartay dagaalka Laascaanood, waxaana uu ku baaqay in la wada-hadlo.
“Dhan kasta dhibaato ayaa ku dhacday, dhibaatadaas-se waxay aheyd mid aan ka badbaadi karnay hadaan caqliga isticmaalno inkastoo awooda ilaahay leeyahay, waayaha, waqtiga iyo xaalada uunbaa sida u dhigtay”.
“Waxaan anigu markasta taaganahay oo fikirkeygu yahay in nabad lagu wada-hadlo, oo dabadeedna si fakar iyo caqli ku jiro loo wada-hadlo lama oran karo maxaa loo kala duwanaanayaa, waxaad adigu sax u aragto ayaa kan kale khalad u arki karaa, laakiin in la wada-hadlo ayaa ka muhiimsan in la is-dilo” ayuu intaa ku daray Wasiir Koore.
Koore ayaa lagu xasuustaa kahor dagaalka Laascaanood iyo markii uu bilowday, in uu hanjabaado hawada u marinayay Isimadda dhaqanka SSC iyo ciidamada deegaan ee kahoryimid maamulka Somaliland.