Wasiir katirsan Xukuumada Somaliland oo sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal iney la furaan Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Yaasiin Xaaji Maxamuud Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliland oo la hadlay VOA-da ayaa waxaa ay ka hadlay wada hadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland oo mudo badan hakad galay.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliland ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliland ay diyaar u tahay in la bilaabo wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in mar walba soomaaliland ay soo dhaweynayso cidkasta oo Waan waan ka galaysa wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Dhowr jeer ayay aheyd markii shir lagu wadahadal siinayo Soomaaliya iyo Soomaaliland uu ka dhacay Dalal badan oo saaxibo la ah Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!