Wasiir katirsan Xukumada Khayre Oo Fashiliyay Sirta ka danbeysa Booqashada Farmaajo ee Asmara.

Reading Time: < 1 minute

Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo qeyb ka ah wafdiga baalar ee uu hugaaminayo MW Farmaajo ayaa sheegay in ujeedada ay halkaasi ay utageyn qeyb ay ka tahay in dowlada Soomaaliya iyo Imaaratka ay ka hishiiyan qilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay.

Wasiirka Warfaafinta Daahir Macmuud Geelle ayaa kuwaramay in dowlada Eretariya ay  garwadeyn katahay hishiisiinta dolwadaha Soomaaliya iyo Imaaraatka oo qilaafkoodu gaaray heerkii ugu sareesay iyadona Imaaratka ay ka guurtay Xaruuma ay ku laheed magaalada Muqdisho.

Mr Geelle ayaa intaa ku daray in dowlasaha Eretariya iyo Imaaratka ay isku fiicanyihiin taasina ay fududeneyso in markale dib uu usoo noqdo xiriikii ka dhaxeeyay Soomaaliya Imaaraatka.

Sidookale waxuu tilmaamay in ujeedka ugu muhiimsan ay utageyn wafdiga Madaxweyne Maxamed cabdullahi farmaajo magaalada Asrmara  ay tahay  in ladhameeyo  qilaafka muadada soo jiiramayay ee udhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaratka.