Wasiir ka tirsan Xukumadda Kheeyre oo Axmed Madoobe la Galay Heshiis ah in Mucaarad Jubbaland loosoo Galacan Galiyo!!

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa isaga oo isticmaalaya Hantida Qaranka waxa uu heshiis kula galay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madobe in dhamaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Axmed Madoobe uu soo xareeyo lana shaqeeyaan Maamulka Axmed Madoobe.

Wasiirka ayaa Wareegii u horeeyey ku guulaystay in Rag ay ilama adeero yihiin ay ka aqbaleen Dalabkiisii ahaa in la taageero Axmed Madoobe, Laakiin waxa uu dadaal iyo hanti badan ku bixin doonaa Muaacradka kale ee ka soo hor jeeda Axmed Madoobe ee weli ku adkaysanaya Go’aankooda.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ujeedada uu ka leeyahay Hawshan ayaa ah in isagana lagu taageero in cid aan isaga ahayn ay Beeshiisa Wasiir noqoto Xilligan iyadoo la tuhmayo in Booskaasi uu u socdo Xildh Cabdirashiid Xidig.

Arinka yaabka leh ayaa ah sida ay isku qaban karaan Waxaan ahay Wasiir ka tirsan Xukuumada RW Kheyre iyo Mucaaradka Axmed Madoobe ayaan Hanti Dawladeed ku bixinayaa si ay Muxaafid ugu noqdaan Madaxweynaha Jubaland.

Sawirka: Kulankii Axmed Madoobe iyo Wasiir Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ee ka dhacay Kismaayo.