Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland oo Gaarigii uu Watay Shil Galay Iyo Qasaaro Kala Duwan oo Halkaasi Ka Dhalatay

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka degamaas uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaaro dhaawac iyo mid hantiyeed ah.

Gaariga shilka galay ayaa waxaa la socday Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Maamulka Puntland Cabdifitaaax Xassan Waloore,iyo masuuliyiin kale,kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay shilkaas ku dhaawacmeen.

Inta la xaqiijiyay ilaa 3 Ruux ayaa shilkaas ku dhaawacantay oo uu ku jiro Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Maamulka Puntland Cabdifitaaax Xassan Waloore iyo laba qof kale oo la socotay.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa ah Buundo labadii Sano ee la soo dhaafy uu dhismo ku socday,tas oo keentay in gaariga Wasiirka mid ah kamid lugaha ama Taayaarada ay baxdo sidaasna uu ku rogmaday.