Wasiir ka tirsan DG Galmudug oo lagu dilay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Farxiyo Cabdi Waasuge oo aheyd wasiiru dowlihii wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dilka wasiiradaas ayaa ka dhacay degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Wasiirada ayaa ka soo jeeday beesha Saruur ee Habargidir oo dhawaan bilowday guluf ka dhan ah Al-Shabaab, kuna guuleysatay inay kooxda ka xoreysato Xarardheere iyo deegaano kale oo ay degto.

Al-Shabaab ayaa caan ku ah inay Muqdisho ka ugaarsadaan dadka ugu muhiimsan beelaha ay kala kulmaan kacdoonka, iyadoo la xasuusto beegsi ay horay kooxdu ugu sameysay beelo aan ka xusi karno Dir, Xawaadle iyo Saleebaan, kuwaas oo haldoor badan looga dilay Muqdisho.