Wasiir Juxaa oo durbadiiba bilaabay inuu ka horyimaado amarrada MW Deni!

Reading Time: < 1 minute

Wasiir Juxaa oo dhawaan loo magacaabay  wasiirnimada xukumada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa go’aan isaga u gaara uu soo saaray waxa uu ku  buriyay go’aan  horay uga  soo baxay maamulka Gobolka Bari kaas oo lagu joojiyay shirarka siyaasadeed ee aysan fasixin dowladda.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa buriyay go’aankaas waxaana uu fasaxay shirarka siyaaasadeed haddii aysan wax yeelaynin amniga Puntland. Talabadaan ayaa si toos ah uga hor imaanaysa siyaasada Madaxweyne Deni uu ku doonayay in uu ku xakameeyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed qaar kamida siyaasiyiita ka soo jeeda deegaanka Gobolka Bari.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiir Juxaa ayaa lagu caddeeyay in dadka reer Puntland xaquuq dastuuri ah u leeyihiin in ay qabsadaan shirar ay ku cabbirayaan ra’yigooda siyaasadeed. Juxaa ayaa ah Wasiir lagu yaqaano madaxbanaanida iyo haladeega siyaasadeeed, iyada oo dad badani ay horay u sheegeen in ay adkaan doonto in saga iyo Saciid Deni ay isku siyaasad noqon karaan.