Kulan beeleed u soo qaban qaabiyay Ra’isal Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqadishu. Kulankaan oo la isugu keenay beelo lagu sheegay in ay wada dhasheen laakiin kala dhumay. Waxaa wada shiray beelaha Warsangali Daarood iyo Abgaal. Kulanka uu uu ka hadlay Wasiir Jamal oo wakiil ka ah beesha Warsangali ayaa sheegay in rumaysan yahay in uu isaga ka soo jeedo beesha Abgaal lakiin uu Daarood uu ku soo dhex koray. Waxaa kaloo uu sheegay in deeganka Warsangali ku nool yihiin yahay uu abauuray in beesha Warsangali labo qabiil isugu tagaan waa Isaaq iyo Majeerteen.
Ujeedadda dhabta ah ee Shirkaan ayaa ahaa in uu Cali Maxmed Geedi uu u istcimaalo shirkaan fursad uu ku gaaro jagada Ra’isal Wasaare marka dhawaan la RW Kheyre is casilo ama shaqada laga ceyriyo. Waxaana uu muujinayaa inuu isagu yahay nin Jecel qabiilka Daaroodka.
Dhanka kale Jamal Maxmed Xassan ayaa isagana ku fakaraya in uu u muujiyo RW Kheyre in uu isagana Hawiye ku xiran yahay oo uuba yahay nin Hawiye ah. Muqadishana uu isaga ka xigo madaama uu hadda sheeganayo in uu yahay nin Abgaal ah. Cali Maxmed Geedi oo lagu yaqaan been, horayna loogu bixiyay ma xishoode ayaa si sharaf xumo u isticmaalayo magacyada beelaha Warsangali. Waxaa sidoo kale nasiib xumo ah in waqtigaan xaadirka ah Soomaaliya loo celiyo isbahaysi iyo is xulifaysi qabiil halkii loo gudbi lahaa dowladnimo ku dhibaan cadaalad iyo dimoqoraadiyo. Farmaajo iyo golahiisa wasiirada ayaa u muuqda kuwa dabada la sii galaya qabiil.