Wasiir Jamaal oo Loolan u Galaayo Kursiga uu ka Iibsaday Xil.Dhahar iyo Farmaajo oo Arintaan ku Lug-yeeshay+Suldaanka Beesha Dubays/Warsengeli Lacag Lagu Qanciyay!!

Reading Time: < 1 minute

Xukumada R/wasaare Kheeyre ayaa waxaa ay halbeeg  ka dhigatay in xubin walbo oo wasiir ah in uu noqdo Mudane ka Tirsan  Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Maadaama ay sidaasi jirto ayaa Wasiir Jamaal Maxamed Xassan waxaa uu kursiga ka Iibsaday Xildhibaan dhabar.

Xog ay heshay MUQDISHO ONLINE  ayaa sheegaya in Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan lagu wado inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka .

Xildhibaanka ayaa beeneeyay kursigan kadib markii ay heshiis uu dhexmaray isaga iyo Wasiirka Qorshaynta ee xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre  Jamaal Maxamed Xasan oo isku beel yihiin Xildhibaanka, Kursigaas ayaa lagu iibsaday Qadar lacageed oo lagu qiyaasay Lacag ka badan Nus milyan lacagta dollarka Maraykanka ah sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Xildhibaan Dhahar ayaa warqadiisa ku wareejiyay Gudiga doorashooyinka qaranka si doorashada loogu soo qabto deegaanada Puntland,ka markii uu dhacay heshiiska Lacagtana lagu wareejiyay.

Wasiirka iibsaday kursiga ayaa lagu tiriyaa mid aad ugu dhow madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan cali Khayre, Waxaana Wararku sheegayaan in madaxweyne Farmaajo  uu si toos ugu lug lahaa wada xaajoodka lagu qancinayay Xildhibaanka booska Baneeyay iyo odoyaasha Beesha Dubays/Warsengeli oo Suldaankoodii ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafey magalada Muqdisho

MUQDISHO ONLINE ayaa loo xaqiijiyay in Wasiir Jamaal uu ka wajahan yahay Magaalada Garoowe Halkaasi oo uu ka sameeyn doono Abaabulkii ugu xooganaa ee uu xilkaasi ku helaayo,Maadama uu lacag badan ka bixiyay