Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta oo arbaco ah waxaa loo dhaariyay ka mid ahaansha xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya.
Wasiir Jamaal ayaa Dhawaan waxa uu ku soo baxay doorasho ka dhacday Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,isaga oo bedelay Ex Xildhibaan Dhahar Cali Faarax oo xilkaasi iska casilay.
Kulankii Golaha Shacabka ee maanta ayuu Goobjoog ka ahaa,iyada oo Goobta lagu dhaariyay.
Wasirka Qorsheynta ayaa ka mid ahaa tirada Wasiirada ah ee aan xildhibaanada Golaha Shacabka ka mid aheyn balse Maanta ugu dambeyn loo dhaariyay ka mid ahaanshaha Xildhibaanada Golaha Shacabka.