Wasiir Islow oo Dafiray Dadkii ku Waxyelobay Madafiic Muqdisho Xalay Lagu Weerary

Reading Time: < 1 minute

Dadka reer Muqdisho ayaa xalay si wayn u maqlay dhawaqyada wax u eg madaafiic oo magaalada ku soo dhacay, degmooyinka Hodan, Hawlwadaag, Xamar Weyne, Xamar Jajab iyo Boondheere ayaa la sheegay inay madaafiicda ku dhaceen.

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa sheegay dhawaqyadii xalay laga maqlay magaalada Muqdisho in ay ahaayeen baco lagu shubay baaruuda qaraxda, oo ah kuwa macmal ah.

Wasiir Islow ayaa sheegay goobaha laga maqlay dhawaqyadaasi in ay u direen Hay’adaha ammaanka, oo aysan jirin qof wax ku noqotay, wuxuuna tilmaamay in ujeedada ay aheyd in shacabka Soomaaliyeed aysan cibaadaysan oo aysan Tukan Salaada Taraawiixda.

Degamada Howlwadaag aya waxa la shegaya in kaliya 7 madfac lagu dhuftay iyado dad gaaray 11 ruux ay ku waxyeeloben,sida ay ino xaqiyen dadka deganka.

Jahwareer ayaa ka taagan Magaalada gudaheeda iyo cabsi xooggan oo ay dareemayaan dadka magaalada ku nool, waxaana dadka qaar ay xalay ku xaadireen guryahooda goor sii horeysay.

Dadka reer Muqdisho ayaa qaba fikirka ah in Shabaab ay kordhiyaan weerarada ay geystaan bisha barakeysan ee Ramadaan, iyada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay diyaarisay ciidamo ka shaqeeya ammaanka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.