Wasiir Islaaw oo soo saaray Warqad lagu qalqal gelinaayo amniga Magaalada Baydhabo iyo Waxgarad ka hor yimid bahdilkaasi!

Reading Time: < 1 minute

Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale )Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ka kooban (2) Page/Bog oo uu uga hadlaayo Xaalada amni ee deegaanada Maamulka K/galbeed oo la filaayo in ay doorasho ka dhacdo,kaasi oo u muuqday in Wasaarada amniga K/galbeed lagu bahdilaayo.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa waxaa la faray Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed in ay sitaxadar leh u ilaaliso amniga kana hortagto Shaqaaqooyin dhaca,basle su’asha la isweeydiinaayo ayaa waxaa ay tahay Wasiir Islaaw kolkii hore mala shaqeeynaayay wasaarada amniga K/galbeed”WAA MAYA”

HALKAAN KA AQRISO WARSAXAAFADEEDKA WASAARADA AMNIGA XFS

Qaar ka mid ah waxgarad reer Koonfur Galbeed oo u waramay MOL ayaa waxaa ay sheegeen in warka qoraalka ah ee uu soo saaray Wasiir Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) uu yahay mid la doonaayo in shaki lagu geliyo amniga Magaalada baydhabo.

talaabadaan ayaa waxaa u muuqataa mid lagu qalqal gelinaayo amniga Magaalada Baydhabo oo la filaayo in doorasho ay ka qabsoonto 5-Bisha soosocoto,sida ay qabaan Xildhibaanada iyo odayaasha K/galbeed ee la hadlay MOL