Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) uu wado qorshe uu shaqada uga joojinayo Agaasimaha Wasaarada Amniga Gudaha Yuusuf Cali Maxamed.
Wasiirka Amniga ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday diyaarinta shaqo joojin uu ku sameenayo Agaasimaha Wasaarada Amniga, waxa uuna Wasiirka qorshihiisa u gudbiyay Ra’isul Wasaare Kheyre oon wali la ogeyn in uu aqbalay iyo in kale.
Sida aan Wararka ku helnay Wasiirka Amniga Gudaha ayaa damacsan in xilka Agaasimaha guud ee Wasaarada Amniga ugu magacaabo nin saaxiin dhaw la ah sidoo kale kamid ah lataliyaashiisa gaarka ah.
Ninka Wasiirka Amniga uu doonayo in uu ka dhigo Agaasimaha Wasaarada Amniga ayaa lagu magacaabaa Axmed Cabdi Kooshin, ninkan ayaana ah Qurbo joog xaalada dalka aan wax badan kala socon.
Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa horey xilal agaasime Waaxeed ugu magacaabay dad ku heyb ah iyo kuwa kale oo saaxiib dhaw la ah, waxaana xusid mudan in dadka uu magacaabay qaarkood shaqada ku fashilmeen kana carareen Wasaarada .
Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in aysan waxbo soo kordhineyn Agaasime Wasaarad ee la badalo ee loo baahan yahay in Wasiirka naftiisa la bedelo maadaama uu ku fashilmay shaqadiisa, waxaana xusid mudan intii Islow Wasiirka amniga ahaa in Muqdisho ka dhaceen qaraxyo ay ku dhinteen dad badan iyo weeraro qorsheesan.
Nearly 13 years ago, when even inside the high-security African Union Mission to Somalia (Amisom) camp they wouldn’t allow visiting journalists to step out...
Countries in the Eastern African are leading other sub-Saharan states in corruption that has grossly affected governance and foreign investments. Transparency International’s 2022 Corruption Perceptions...
Explosions were heard in the Somali capital Mogadishu, Al Jazeera reported on Wednesday. Several mortar shells were fired near the presidential palace, local media said....
MOL used cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences and repeat visits. By clicking “Accept”, you consent to the use of ALL the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.