Wasiir Huruuse oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Canada

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya Mr. Christopher Thornely.

Wasiir Abshir Cumar Huruuse  ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in uu warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya Mr. Christopher Thornely.

“Waxaan maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub  ee dowladda Canada u qaabilsanaan doona dalkeenna Mr. Christopher Thornely” ayuu yiri wasiirka.

Waddamada Soomaaliya iyo Canada waxaa ka dhexeeya xiriir dheer oo iskaashi iyo saaxiibtinimo, waxaana ku nool waddanka Canada jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u ballaaran saamayn badanna ku leh labada waddan.