Wasiirkii hore ee Waxbarashada DG Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo 20kii Maarso 2022 si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.
Cali Xaaji ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Deni oo eeganaya dantiisa ah sida uu ku heli karo xilka dalka uga sarreeya uu galay eed la xiriirta kala xulashada Dadka ku habboon Xildhibaannada Golaha Shacabka.
“Madaxweyne Deni waxa uu Puntland uga tagayaa eedo kala duwan sida dagaalka Boosaaso, dhaawaca Doorashada, Dadka labeynta ah oo uu soo xushay & muranka daba-taagan sida uu u maamulay Doorashooyinka maadaama sida uu doonno uu u maamushay, waxa uu soo xushay Wasiiro, Xildhibaanno, Guddoomiye Gobol & Agaasimayaal Amniga ka shaqeynayay, Taliyeyaal & saraakiil” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.
“Madaxweynaha waxaa la socda miisaan badan oo ah Wasiiradii Puntland oo weliba hay’adaha xasaasiga ah gacanta ku haya oo xitaa Wasiirkii maanta yimaada 3 sano ama 4 sano aan la qabsan Karin ama u fahmi Karin Beesha Caalamka, Guddoomiye Gobol ayaa kamid ah, Agaasimayaal Amniga ka shaqeeya, Taliyeyaal & saraakiil ciidan, waqtiga yar waa in uu ku xaliyaa tabashooyinka ka dhashay Doorashada uu maamulay” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Waxbarashada DG Puntland.
Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in Puntland ay u baahan doonto dib u dhis lagu sameeyo maadaama mar qura Dad badan uu kala dhex baxay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo u xusul-duubaya Xilka Madaxweynaha Federaalka.
Waxa uu Deni uu usoo jeediyay in uu sameeyo xil wareejin waafaqsan sharciga isaga oo ku xigeenkiisa u dhiibaya, waxa uu dooddaas u cuksaday in aysan dhici Karin isaga oo ku sugan Muqdisho oo xildoon ah uu maamulo Puntland.
“DG Puntland oo laga naqeystay in la dhiso, “Dadka Qaadka cunna baa garanayee waxaa lagala dhex baxaa laamaha fiican” aniga ma cuni mana ila jeedi in inta laga tagay ay xun yihiin balse Dad badan oo miisaan leh ayaa lagala dhex baxay, waa in uusan dumin Puntland isaga oo ka dhex eeganaya danihiisa gaarka ah” Waxaa sidaasi yiri Cali Xaaji Warsame.
“Waa in uu Madaxweynaha sameeyaa wareejin Maamul, maka hadlaayi wuu is casilaa iyo isma casilaayo, waa in uu maamulku sii wadaa ku xigeenkiisa, ma dhici karto in isaga oo Xamar jooga Doorashadiisana maamula Puntlandna maamula” Cali Xaaji Warsame.
Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xubinnimada Golaha Shacabka ka reebay Musharixiin qaarkood ay yihiin Xildhibaannadii ku fadhiyay kuraastaas, waxaa kusoo baxay tiro kamid ah Shaqsiyaad si dhaw ula shaqeeyay Dhowrkii sano ee uu xafiiska joogay.
“Waxaan uga digayaa in Deni uusan u isticmaalin dhaqaalaha Puntland oo culays badan hada haystaan oo ay ku jirto Abaaro iyo dhibaato kale, hadii uu lacag meelo kale kala imaanayo isaga ayaa ay jirtaa” ayuu Cali Xaji Warsame