Cabdi Siciid Faarax Juxaa Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaliya ayaa sheegay dadka Soomaaliyeed amni ahaan iyo Siyaasad ahaan intaba inay dayacan yihiin.
Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa (Facebook) ayuu ku sheegay dadka Soomaaliyeed inay yihiin kuwa daalan, dalkana Siyaasad ahaan iyo amni ahaan intuba ay dacan yihiin.
“Dalkani maanta sidiisaba waa nugul yahay, waana daalan yahay, dadkiisu siyaasad ahaan iyo amniba waa dacan yihiin, meel fogna waa laga yimid, dhaqaalo ahaana sabool baanu nahay, kalsoonida shacabkuna way kala daadsan tahay oo kalsooni xumo siyaasadeed ayaa jirta,
dadkuna waxay u baahan yihiin isku wad iyo isu dulqaadasho oo furaha u ah in meesha la joogo horay looga sii socdo si taa loo gaaro, dalku waa in uu ahaadaa talo wadaag
Arrimahaas iyo kuwo kaleba si loo gaaro waxaa loo baahan yahay in dalkan uu yeesho dood, dood caafimaad oo dhab ah xasaasi ah, mararka qaarood xanuun badan, laakiin aan qofaysnayn, aan siyaasadaynayn, aan danaysanayn, balse Soomaaliyaysan, oo mustaqbalka ku wajahan,
taa ayaa loo baahan yahay taas ayuu caafimaadka ku jiraa, labadaa doodood oo kala gadisan iyo afkaartaa kala gadisan dhexdooda ayaa xalka Soomaaliya ku jiraa”
Hadalka Wasiirka aya imaanya xili Malinti Jimci magaalada ay ka dhaceyn Weerar iyo Qaraxyo lagu weeraray xarumo muhiim aha oo dowlada how u ahaa