Wasiir Goodax Oo Ka Hadlay Tayada Waxbarashada Dalka

Reading Time: < 1 minute

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya  ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarineyso Guddiga Tacliinta sare ee dalka oo dib u habeyn xooggan ku sameyn doona Jaamacadaha waddanka ku yaalla, si loo ogaado tayada waxbarasho ee ay bixiyaan.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in guddigaan uu awoodu leeyahay dib u habeynta Tayada Waxbarasho ee Tacliinta sare, isla markaaana Jaamacadaha dalka oo dhanna uu dib u habeyn ku sameynayn doono.

Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in sanadka 2020-ka ay ku rajo weyn yihiin in Jaamacadda Ummadda ay  awood u  yeelato in ay qaadato sannad walba 10,000 oo Ardey (Toban Kun oo Ardey).

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!