Wasiir Goodax oo Baarlamaanka ku Tilmaamay Wakiilada Kooxda Al-shabaab (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Kulankii Maanta ee golaha shacabka waxaa hareeyay buuq iyo qeeylo taas ayaana sababtay in mar kale la baajiyo,waxaana warbaahinta siyaabo kala duwan ula hadlay xildhibaanada kuwaasi oo qaarkood u ekaa in fariin looga soo dhiibay xafiiska R/wasaare kheeyre.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda dowladda Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa Shabaab ku tilmaamay  xildhibaano  maanta buuq ka sameeyay xarunta golaha Shacabka Soomaaliya,

Wasiirka ayaa sheegay in xildhibaanaddaasi oo ah ku dhawaad 40 Mudane ay Shabaab wakiil uga yihiin Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin in Fowdo laga sameeyo xarunta Golaha Shacabka xilli ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiintii Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya.

MOL ayaa loo xaqiijiyay in xildhibaanada oo ka carooday halkaasi ay bilaabeen ka gil=gilasho waxeeyna eeda dusha ka saareen R/wasaare xassan cali kheeyre oo ay yiraahdeen asiga ayaa sidaas aaminsan afkiisa ayuuna ku hadlay wasiirku