Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Wasaaradda ay xiri karto Baraha Bulshada hadii ay u baahato.
Wasiir Goodax oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada codsi u qortay Maxkamadda Sare ee dalka,kaasi oo ay uga codsaneyso in la xakameyo Baraha Bulshada Waqtiga Imtixaanka, hadii ay baahi timaado.
Isaga oo sii hadlaayay Cabdullaahi Goodax Barre ayuu tilmaamay in Codsigaas Maxkamadda ay ka aqbashay,isla markaana Wasaaraddu ay heysato Awood ah in la xiro baraha bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Maanta aan la xirin baraha Bulshada,sababata ayuu ku sheegay inay tahay in aysan jirin baahi loo qabto in la xiro.