Wasiir GM “Qoorqoor waa sida Hindi u shaqo tegay Dubai”

Reading Time: < 1 minute

C/naasir Geelle: “Fashil hoggamineed oo dhinac kasta ah ayaa ka jira Galmudug. Qoorqoor waa Mas madow oo aan abaal lahayn”

Wasiirka Qorsheynta Maamulka Galmudug ee is casilay ayaa faahfaahin ka bixiyey, sidii uu xilka uga tegay iyo wixii ay isku qabteen isaga iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoorqoor.

Wasiir Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa shaaciyey in Qoorqoor uu waqtigiisa dhan geliyay Doorashada Federaalka, laakiin dhinaca kale aanu lahayn wax aragti ah, balse isaga sida Utul-hamag, iska gebi dhacleynaya, sida uu yiri.

“Maantadan la joogo Qoorqoor wax aragti kama laha Doorashada iyo cidda Madaxweynaha Soomaliya uu la rabo, Ra’iisal wasaarihii degaanka kasoo jeeday dagaal ayuu kula jiraa, madaxweynihii dagaal ayuu kula jiraa..” ayuu yiri Wasiir C/naasir Geelle.

Wasiirka is casilay oo eedeyn iyo tilmaamo aad u culus oo fool xun u dhaamiyey Madaxweynaha Galmudug ayaa ku tilmaamay nin ay isugu mid tahay afarta Jiho oo aan wax dan ah ka lahayn Dadka uu metelo, wuxuuna ku tilmaamay inuu la mid yahay Hindi u shaqo tagey Dubai, sida uu yiri.

Cabdinaasir Geelle Cilmi wuxuu sheegay inay Qoorqoor isku qabteen kursiga HOP147 oo uu musharax u ahaa, balse uu si cad ugu sheegay Qoorqoor inuu kursiga siiyey qof, wax kastoo dhacana uu siin doono, xitaa haddii uu isu sharxana uu ka hor istaagi doono warqadda Musharaxnimada.

“Fashil hoggaamineed oo dhinac kasta ah ayaa ka jira Galmudug, waxayna mudan tahay in hoggankan mid dhaama. Dadku ha sabraan maalmaha yar ee u dhiman Ninkaasi. Qoorqoor waa Mas madow oo aan abaal lahayn” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirkii Qorsheynta Galmudug ee xilka ka tegay Cabdinaasir Geelle Cilmi .