Wasiir Ducaale & Fahad Yasin oo laga dalbaday in ay is casilaan & RW Kheyre oo diidan

Reading Time: < 1 minute

Warar is soo taraya oo MOL ay ka heshay xafiiska RW Kheyre aya sheegaya in masuuliyiin badan oo la soo xiriiray RW Kheyre ay dalbadeen in uu is casilo Wasiirka Amniga Ducaale, wararka aya intaa ku daraya in RW Kheyre uu ka biyo diiday dalabyada iska soo daba dhacaya.

Waxaa sidoo kale dalabyo kuwaa la mid ah la soo sheegaya in loo diray MW Farmajo kaasoo lagula taliyay in uu hay’adda NISA u magacaabo Taliye isla markaana xilka ka qaado Fahad Yasin.

Mid ka mid ah siyaasiyiinta Muqdisho ku sugan oo naga codsaday in aan magaciisa sheegno ayaa MOL u sheegay “Aniga aya shaqsiyan la hadlay RW Kherye & MW Farmajo raggaas aan la hadlay ma aha kuwo ku dhaca in ay xil ka qaadaan Fahad Yasin & Ducaale” Ayuu yiri.

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay lixdii maalmood ee ugu danbeysa 13 qarax iyadoo ay ku naf waayeen shacab ka badan 70 halka boqolaal kalena ay cusbitaalada Muqdisho u jiifaan dhaawacyo ka soo gaaray qaraxyadaas.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaanka u haya MW Farmajo aya ku fashilantay gebi ahaan amaanka dalka waxaana kooxda Shabaab ay maalin walbo qaraxyo & dilal qorsheysan ku dilaan shacab aan waxba galabsan